Home Qubanaha Dad ka barakacay colaadda Soomaalida iyo Canfarta

Dad ka barakacay colaadda Soomaalida iyo Canfarta

0
Dad ka barakacay colaadda Soomaalida iyo Canfarta

Dagaalladii dhawaanahan xadka deegaannada Soomaalida iyo Canfarta ee dalka Itoobiya ku dhex maray labada qowmiyadood ee deriska ah ayaa waxaa ku barakacay boqollaal qoysas ah.

Barakacayaasha oo ku sugan duleedka tuulooyinka ay dagaallada ka dhaceen ayaa sheegay inay halkaasi ku haysato macluul iyo biyo la’aan daran.

Deeqa Axmed Cawaale oo barakacayaashaasi ka mid ah oo haatan ku sugan duleedka magaalada Caddeyti ayaa BBC u sheegtay in aysan heysan hoy isla markaana ay wajahayaan biyo iyo cunto la’aan.

Waxaa dhawaan magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya lagu soo gabagabeyay wadahadal u dhaxeeyay madaxweynayaasha dowlad deegaannada Soomaalida iyo Canfarta kaasi oo xal loogu raadinayo dagaallo maalmihii la soo dhaafay labada qoomiyadood ku dhaxmaray qaybo ka mid ah gobalka Siti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here