Home Wararka Sawirro: Isku aadka tartan aqooneedka Shabelle oo la sameeyey

Sawirro: Isku aadka tartan aqooneedka Shabelle oo la sameeyey

0
Sawirro: Isku aadka tartan aqooneedka Shabelle oo la sameeyey

Shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa qabaneysa barnaamijka sanadlaha ah ee tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan, kaas oo ay ka qeyb-galayaan illaa 20 degmo oo ka kala tirsan gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobollada dalka.

Munaasabad loogu qori tuurayey degmooyinka sanadkan ka qeyb-galaya tartanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Shabelle, iyadoo ay goobjoog ahaayeen wakiilo ka socda degmooyinka.

Ugu horreyn waxaa madasha ka hadlay Cumar Shaam oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan, kaas oo sheegay in sanadkan tartanka uu ka duwan yahay, kana xiiso badan yahay sanadihii hore, isla-markaana degmooyinka ay isku arki doonaan si ka duwan sidii hore.

Degmooyinka ka qeyb-galaya tartanka ayaa waxaa loo kala saaray illaa shan Group, waxaana sida ay isugu soo aadiyaana shaaciyey Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah howl-wadeenada guddiga tartanka Shabelle.

Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle, Cabdullahi Cismaan Cadaani oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa shaaciyey inay ka go’an tahay ka guddi ahaan inay si cadaalad ah ugu xaq-sooraan degmooyinka tartamaya, isaga oo u mahadceliyey tartamayaasha ka qeyb-galaya barnaamijka.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda is-gaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here