Home Wararka Arimaha Gudaha Caabudwaaq: Nin hubeysan oo weeraray goob ay ka socotay xaflad aroos ah

Caabudwaaq: Nin hubeysan oo weeraray goob ay ka socotay xaflad aroos ah

0
Caabudwaaq: Nin hubeysan oo weeraray goob ay ka socotay xaflad aroos ah

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay nin hubeysan uu weerar ku qaaday goob ay ka socotay xaflad aroos ah, isla-markaana ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Qoolaali oo hoostaga degmada Caabudwaaq, kadib markii uu nin hubeysan rasaas ooda kaga qaaday goob ay ka socotay xaflad aroos ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa falkaasi ku dhintay ugu yaraan 1 qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen illaa 3 kale oo ka mid ah dadkii ku sugnaa xafladda arooska ah.

Wararka ayaa sheegaya in dhacdadaan ay salka ku heyso muran ka dhashay arooska, waxaana la sheegay inuu jiray xifaaltan dhanka arooska ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo bilaabay howlgallado lagu baadi goobayo ninkii ka dambeeyey dhacdadaasi oo baxsaday.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan degmada Caabudwaaq iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa ka dhaca weeraro khasaare geysta iyo dilal ay qaarkood geystaan maleeshiyaad hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here