Home Wararka Nuxurka khudbadda uu James Swan u jeediyey Golaha Ammaanka ee QM

Nuxurka khudbadda uu James Swan u jeediyey Golaha Ammaanka ee QM

0
Nuxurka khudbadda uu James Swan u jeediyey Golaha Ammaanka ee QM

Kadib dhamaadkii geeddi-socodkii doorashada ee “muranka lahaa” ee Soomaaliya oo lasoo gabagabeeyay 15-kii bishii May, jawiga siyaasadeed ee dalka ayaa hadda ah mid ku haboon in wax laga qabto howlaha qaranka ee mudnaanta leh, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa sidaas u sheegay Golaha Ammaanka oo warbixin u jeediyay shalay.

“Si fursadan looga faa’ideysto, mas’uuliyiinta federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada waa inay si dhow uwada shaqeeyaan si loo gaaro horumar ku aadan yoolalka dowladda cusub, oo ay ku jiraan hagaajinta maamulka iyo cadaaladda, la dagaalanka Al-Shabaab, iyo dhibaatooyinka bini’aadanimo ee sii xumaanaya,” ayuu yiri Swan.Hannaanka doorashada Soomaaliya ayaa la soo gabagabeeyay 4 bilood kahor ka dib markii Baarlamaanka uu u codeeyay Xasan Sheekh Maxamuud inuu noqdo Madaxweynaha 10aad ee dalka Soomaaliya.

Mr. Swan ayaa sheegay in maamulka cusub uu u aqoonsaday amniga inuu yahay mudnaanta koowaad ee qaranka, taasoo ku soo beegantay xilli Al-Shabaab ay fulinayso weeraro u muuqda kuwa sii xoogeysanaya.

Ergeyga Gaarka ah ee QM wuxuu ammaanay Ciidamada Ammaanka iyo kuwa Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) kuwaasoo dadaal badan ku bixinaya sidii ay usii wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here