Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaraxa oo si xoogan looga maqlay degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ayaa ka dhacay xero Nacnac oo ku taallo waddada aada dhanka deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka oo xilligaas lagu diiwaangelinayey xerarada, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi.