Wararka laga helayo dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ah xujeyda tegtay dalkaas uu ku geeriyooday magaalada barakeysan ee Madiina, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Jimcaale ayaa ku dhintay shil baabuur, waxaana maydkiisa la geeyay mid kamid isbitaalla ku yaalla dalkaasi.
Xasan Maxamuud ayaa 50 sano jir ahaa, mana jiro wax faah faahin oo laga helay qaabka uu u dhacay shilka uu ku geeriyooday.
Dhinaca kale xujeyda Soomaaliyeed ee haatan ku sugan Boqortooyada Sacuudiga ayaa wajahaya xaalad kale oo adag, sida ay ogaatay Shabelle.
Xujeyda ayaa intooda badan la’isugu geeyay dhismo ka kooban 5 dabaq, waxaana ku dhacday Koronto la’aan, taas oo keentay inay xaalad daran wajahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.