Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal goordhow ka qarxay bartamaha magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa mucaaradka ee ku sugan magaaladaasi.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga xarunta Golaha Wakiilada ee maamulka Puntland.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalkan, ayada oo uu ku dhaawacmay mid kale oo shacab ah, sida ay innoo sheegaanka ilo wareedyo xilkas ah.
Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana inta badan magaalada laga maqlayaa dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.
Si kastaba, ciidamada mucaaradka ayaa kasoo horjeedo in la furo dastuurka oo ay weli isku hayaan madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha kale ee musharixiinta Puntland.