Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isku howshay ka dhabeynta yoolkeedii ahaa la dagaallanka Masuq maasuqa, kaas oo sida la rumeysan yahay yeelan doono saameyn ka ballaaran inta ilaa iyo iminka la ogyahay.
Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay waxey ahayd dal ay la dageen colaado, wajiyo kala duwan leh, kuwaas oo curyaamiyey in la helo kala danbeyn iyo dowladnimo waarta.
Tan iyo markii dib loo yagleelay nidaamka dowladnimada, 10- kii sano ee ugu horeeyey ma jirin hay’adaha aas aasiga u ah taaba gelinta dowladnimada, waxeyna ahaayeen kuwa aan shaqeyneyn, sababo ku qotomo amni daradii dalka ka jirtay.
Balse 10 sano ee la soo dhaafay, inkastoo ay fadhiid noqdeen waxaa dib loo howl galiyey hay’adaha kala duwan, ee dalka, kuwaas oo shaqadooda billaabay, xilli aanu jirin wax isla xisaabtan ah.
kaalintii isla xisaabtanka ahayd oo meesha ka maqan, waxey fududeysay in qof walba oo masuula ah, uu sharciga ku rito jeebkiisa, isla markaana masuuliyada loo igmaday uu ka dhex dayo il uu dhaqaale ku sameyn karo.
Qaar badan oo xilal ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray, ayaa hantidii shacabka ka dhistay guryo iyo hanti kale oo ma guurto ah.
Musuqa, wax isdaba marinta ayaa saameeyn ku yeeshay dhamaan howlihii dowladnimo, iyo adeegyadii loo fulinayey shacabka, waxaana adkaatay meel ay u dacwoodaan, maaddaama musuqu uu gaaray xitaa hay’adihii garsoorka oo noqday kuwo shilinka u wax ku xukmiya.
Dib u doorashadii Madaxweynaha, waxey dowladiisu ajande muhiim ah ka dhigatay isla xisaabtan, waxaa ilaa iyo iminka xabsiga ku jira dhowr masuul, oo ku eedeysan arrintaasi.
Qaar ka mid ah, rag masuuliyado kala duwan dalka ka soo qabtay, ayaa baxsaday, sababo la xiriira eedaha masuqa la xiriira.
Shalay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in Xeer Ilaalinta Qaranka uu ku wareejiyay warbixin baariseed fatash ah oo uu Hanti-dhawrka ku sameeyay saddex waaxood oo ku jirto Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.
Waaxyadan uu baarista ku sameeyay Hanti-dhawrku ayaa kala ah; Waaxda bixinta ruqsadda shaqada ee shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MOLSA Work permit department), Waaxda kordhinta dal ku joogga shisheeyaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND Visa Extension), Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Maaliyadda, Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Bankiga Dhexe Soomaaliya iyo Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud.
Dhamaan baaritaanadaasi ayaa lagu oggaaday in khasnada dowladda lagala baxay lacag gaaraysa 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay (08 March 2018) ilaa (19 April 2023).
Iyadoo la sameeyey dadaaladaasi oo idil ayey qubaradu bartay dhaqaalaha sheegayaan in lacagta lagala baxay khasnada dowlada ay intaasi ka badan tahay. marka dib loo eego muddada uu musuqani soo jiitamayey oo ah xili dheer.
Lacagta lag waayey qasnada dowlada, ayey qubaradu sheegayaan in ay ka badan tahay tan lagu cunay magaca dowladnimada, maaddaama 10-kii sano ee la soo dhaafay uu masuul walba u madax bannaana xilkiisa, cid la xisaabtantana aysan jirin.
Musuqa loo geysto dhaqaalaha Soomaaliya uga yimaada dowladdaha kaalmeeya, marka laga yimaado waxaa aad u xooggan wax is daba marinta lagu hayo dhaqaalaha dalka ka soo gala ilaha ugu muhiimsan sida Dekadda Iyo Garooonka diyaaradaha.
Ilaa hadda 5 xafiis oo ka mid ah kuwa ku yaalla garoonka Diyaaradaha ayaa lagu helay musuq maasuq, kadib baaritaankii Hanti dhowrka guud.
Waxaa sidoo kale shalay maxkamada gobolka Banaadir ka soo hor muuqday Sarkaal sare oo ka tirsan hoggaanka ilaalada canshuuraha ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo ka howl galayey laanta dhexe ee ilaalinta canshuuraha bariga, wuxuuna ahaa Taliyaha ciidanka ilaalada xafiiska Canshuuraha bariga ee degmada Warta-Nabadda.
Aqoonayahanada bartay dowlad wanaaga waxa ay sheegayaan in arrinta ay yeelan doonto waji ka duwan kan hadda muuqda, waxaana dhaw oo macquul ah sida ay leeyihin, in eedahan musuqa la xiriira loo soo jeediyo masuulyiin xilal sar sare dalka ka soo qabtay iyo kuwa iminka haya,
Shacabka Soomaaliyeed intooda badan kama daahsoona, in ujeedka siyaasyiinta iyo dadka kale ee xil doonka ah uu yahay, sidii ay dhaqaalle uga sameyn lahaayeen masuuliyada ay dey deyaan in loo magacaabo, waxey sidoo kale shacabku ka si mug leh ula socdaan, in ay dhaqaale lunsadeen kuwii hore dalka uga soo qabtay masuuliyado kala duwan.
Hase ahaatee waxaa maankooda ka guuxeysa ilaa meesha uu gaari karo, isla xisaabtankan, maaddaama sida la ogyahay ay yar yihiin dadka ka nadiifta ah masuqa, marka la eego sooyaalka siyaasadda Soomaaliya
Si kastaba tallaabadan ayaa wax badan ka baddeleysa qaabkii ay u shaqeynayeen hay’adaha dowladda, oo ay dhibaato adag kala kulmi jireen muwaadiinta, waxaana yaraan doona masuuliyiinta xilalka u raadin jiray si ay dhaqaale uga saameeyaan.
Arrinta ayaa sidoo kale fariin u direysa beesha caalamka, taas oo kordhineysa taageerada ay la garab taagan yihiin dib u soo kabashada dowladnimada Soomaaliya.