Home Wararka Arimaha Gudaha Sanadkan 2023 oo sanad colaadeed u noqday Bulshada Soomaaliyeed.

Sanadkan 2023 oo sanad colaadeed u noqday Bulshada Soomaaliyeed.

0
Sanadkan 2023 oo sanad colaadeed u noqday Bulshada Soomaaliyeed.

Sanadkan 2023, oo bartimihiisii lagu jiro ayaa bulshada Soomaaliyeed u ah sanad coladeed, waxaana dagaalo kala duwan ay ka qarxeen gobollo ka mid ah dalka, halka kuwa kalana ay ka taagan yihiin xiisado dhalin kara in gacan ka hadal ay isku baddesho.

dhiiga Soomaalida ee daadanaya ayaa kordhaya maalinba maalinta ka danbeysay, taas oo muujineysa in bulshadu aanay gaarin qaan-gaarnimo siyaasadeed, isla markaan ah kuwo weli damacoodu yahay in ay xalka ku raadiyaan qoriga un, waxaana meelaha ay xabadu ka shanqareyso ka daran goobaha la isugu afeysanayo midiyaha, ee toog haya dhawaqa rasaasta.

Deegaanada uu ka arriminayey maamulka Somaliland oo 30-sano ee la soo dhaafay ka bad qabtay dhibaatada colaadda ee koonfurta iyo bartahaha Soomaaliya, ayuu dagaal qaraar ka qarxay 6-dii bishii February, waxaana dagaalkaas oo ilaa maanta ka socda duleedka Laascaanood uu u dhaxeeyaa ciidamada maamulka iyo xooggaga SSC, oo diidan in deegaanadooda ay ka sii mid ahaadaan meelaha uu maamulo Somaliland.

Dagaalkaas oo dhaliyey khasaare kala duwan, inta la ogyahay waxaa ku barakacay  in ka badan 185,000 qof, kuwaas oo xaalad adag wajahay, iyadoo dhinacyada ay dirirtaasi u dhaxeysana ay dhagaha ka fureysteen baaqyadii nabadeed ee loo diray.

Koonfur Galbeed oo qeyb ka ah Maamulada hoos yimaada dowladda dhexe, waxaa toddobaadkii la soo dhaafay, 2 magaalo oo ka mid ah ka dhacay dagaal geystay khasaare badan, waxaana dagaalladaasi ay ka dhaceen magaalooyinka Baraawe iyo Ceelbarde.

Dagaallada magaalooyinkan ka dhacay oo u dhaxeeyey ciidamada maamulkaas iyo kuwo ka tirsan milatariga Soomaaliya, ayaa huwan arrimo qabiil, waana kuwo isku haya gacan ku heynta magaalooyinkaas, welina waa xiisad taagan oo aan xal waara loo helin.

Jubaland, waxaa muddo dheer ka aloosan xiisad u dhaxeysa Maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ee fadhiya Kismaayo iyo siyaasiyiinta reer Gedo, kuwaas oo ka biyo diidsan in talada Madaxweynaha maamulkaasi ay ka shaqeyso gobolkaasi.

Dhawaan Madaxweynaha Jubaland ayaa gobolkaasi u magacaabay maamul cusub, waxaana arrintaasi ka soo horjeestay maamulkii hore, oo taageero ka heli jiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Maamulkii hore ayaa iska diiday in maamulka cusub ee uu Madoobe magacaabay inuu ku shaqeeyo Gedo, iyagoo soo celiyey diyaarad siday qaar ka mid ah maamulka cusub ee ay Jubaland gobolkaasi u wakiilatay.

Maamulka cusub oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay awood adeegsan doonaan, waana arrin suura galin karta in dagaal culus uu ka billawdo gobolkaasi.

Hirshabelle oo ka mid ah maamulada uu si weyn uga dhaqan galay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, ayey waqtigan ka taagan tahay xiisad culus, taas oo ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyey Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Cali Jeyte oo ka soo horjeestay xil ka qaadistaasi, ayaa ku dhawaaqay maamul cusub oo la magac baxay Hiiraan State, waxaana salaasadii aynu ka soo gudubnay ciidamo taabacsan ay la wareegeen Xarumihii maamulka Hirshabelle ee gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte oo si kulul uga hadlay xil ka qaadistiisa, ayaa maamulka Hirshabelle u diiday in ay soo galaan gudaha Hiiraan, waxaana Wasiir ka tirsan Hirshabelle oo u jawaabay, uu carabka ku dhuftay in tallaabo laga qaadi doono, haddii uu ka waantoobin kacdoonka uu ka wado Baladweyne.

Arrintan ayaa dhadhan kale u yeeleysa xaaladda Hirshabelle ay ku sugan tahay waqtigan, waana mid bixineysa tilmaamo dhiilooyin xanbaarsan, oo ay ka imaan karto khasaare baaxad leh.

Sidoo kale Maamulka Puntland, oo lagu tiriyo meelaha ugu xasiloonida badan Soomaaliya, ahna maamulka hormuudka u ah nidaamka fedraalka, ayaa qeyb ka ah goobaha ay saameysay amni darrada colaada, waxaana maalin ka hor Garoowe ku dagaallamay ciidamada Puntland iyo kuwo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaridka maamulkaasi.

Dagaalkaasi oo uu weli raadkiisu qoyan yahay, ayaa socday saacado badan, wuxuuna geystay khasaare aad u ballaaran, iyadoo dhimashadu ay kor u dhaaftay 30-meeyo halka dhaawacuna uu gaaray in ku dhaw 50 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Xiisada Puntland ayaa ka timid kadib markii siyaasyiinta mucaaridka oo ka soo horjeestay inuu muddo kordhin sameysto Madaxweynaha maamulkaas Saciid Deni, oo waqtigiisa xil heyntu gebo-gabo yahay.

Waxaase arrintu ay sii cuslaatay markii Gollaha Barlamanka maamulkaas ay ansixyeen hindise sharciyeedka wax ka baddelka dastuurka Puntland, waxaana u codeeyey 34-ka mid ah 35-tii mudane ee soo xaadirtay fadhigii talaadada ee ay Barlamanku yeesheen, oo la aamisan yahay inuu qeyb ku lahaa dagaalkii xooganaa ee Garoowe ka dhacay.

Iminka Galmudug ayaa u muuqaal eg, gobol ka nabdoon, hirarka colaadeed ee dalka ka socda, marka loo eego milgaha wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha maamulka, balse waxaa jira dagaallo salka ku haya arrimo qabiil iyo dhul daaqsimeed, oo si goos goos ah uga socda, deegaanada uu maamulku ka taliyo, mana aha kuwa idlaada, maddaama aanay si dhab ah loogu guur galin wax ka qabashooda.

Dagaallada dalka ka socda, iyo xiisadaha taagan oo sida muuqata aanay weli dhinacyadu ku kala itaal roonaanin, ayaa caqabad weyn ku noqonaya amniga gobolka, waana mid hoos u dhigaya filashadii laga qabay dowlada iminka sanadka jirsatay.

Dirirtaan, waxey sidoo kale wiiqeysaa guulihii laga naawilayey wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, kaas oo dhawaan dalka ka billaabanaya, maaddaama ififaalo qurux badan uu bixiyey wajigii koowaad ee dagaalka, oo Al Shabab looga saaray deegaano muhiim ah oo ka tirsan maamullada Hirshabelle iyo Galmudug.

Dagaalada uu dhiiga ku daadanaya ee dalka ka socda ayaa dhanka ka kale jilaafeynaya qorshaha madaxweynaha Soomaaliya u joogo Mareykanka, halkaas oo uu ka wado ollole uu ku doonayo in Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu khudbad ka hor jeedin doonaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya, oo maanta la wada ogyahay halka ay mareyso.

Si kastabada Baaqyada nabadeed ee ay dirayaan Waxgaradka, Aqoonyahnada, bulshada rayidka,  iyo beesha caalamka, ayeysan jirin cid u dhaga nugul, waana arrinta sii adkeyneysa xaalka.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada, ku lafa guraya xiisadaha ka ooggan dalka intiisa badan, waxana qaarkood ay sheegayaan inuu yahay qorshe lagu fashilinayo dib u doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh, oo hal ku dhigiisa siyaasadeed uu ahaa Soomaali Heshiis ah Dunidan Heshiis la ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here