Munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoona munaasabadan aheyd mid lagu xusayay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso 26-ka June oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.