Waxaa lagu guda jiraa toddobaadka xoriyada, iyadoo xalay ay ku beeganeyd 26 June oo ah markii gobollada waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.
Xalay aqalka dowladda hoose ee xamar ayaa laga saaray calanka, waxaana lagu qabtay munaasabad ay ka soo qeyb galeen madaxda ugu sareysa dalka, halkaas oo ay ka jeediyeen khudbado ay kaga hadlayaan muhiimada xornimadii la helay 26-kii june 1960- oo ay ka soo wareegtay 63 sano.
Maalmaha xoriyada dadka sida weyn uga qeyb qaata waxaa ka mid ah dhallinyarada, kuwaas oo isugu soo baxa goobaha taarikhiga iyo meelaha ay bulshadu u damaashaadka tagto.
Dhallinyaradan ayaa ku soo labista dharka calanka, taas oo bisha bilicda fagaarayaasha ay ku sugan yihiin, iyagoo sidoo kale maalmaha xoriyada buux dhaafiya dukaamada lagu iibiyo dharka calanka, waana kuwo koox koox iskula socda, iyadoo wajiyadooda ay ka muuqato farxad ku aaddan mudnaanta maalmihii uu dalkooda gumeysiga ka xoroobay
Qaar dhallinyarada ka tirsan oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa wajiyadooda ku xardha ama ku sawira calanka Soomaaliya, si u weyneeyaan maalmaha xoriyada.
Baraha bulshada oo ay soomaalidu sanadihi ugu danbeeyey si aad ah u isticmaasho, waxaa maalmaha xoriyada kordha sawirada iyo muuqaallada, ay dhallinyaradu la wadaagayaan bulshada, kuwaa oo ay ku muujinayaan qiimaha ay maalmaha xoriyadu leeyihin.
Dhallinyaradaan dabaaldegeysa, dhamaantood waa kuwo ku koray xaaladaha qalafsan ee uu ehelka u noqday dalkooda muddo ka badan 30 sano, oo ay soomaalidu beylah ahayd.
Dhallinyarada dabaal-degeysa oo quluubtooda laga dheehan karo wadaniyad, waqti badan kuma bixiyaan waxyaabihii kala irdheeyey soomaalida, iyo sida ay dib ugu soo noqon karto midnimadooda, waxaase taa baddelkeeda ay diirada saaraan weyneynta xuska maalmaha xoriyada.
Sidoo kale dhallinta oo ay ku jiraan kuwa dhameystay heerarka kala duwan ee waxbarashada ma abaabuulaan doodo, nuxurkoodu yahay isku soo dhaweynta Soomaalida is diidan, oo lagu lafa gurayo tabashooyinka jira.
qodobada ugu weyn ee arrintaas hortaagan ayaa ah, dhallinyarada oo aanan ogayn cududooda, iyo xaalada dalka, oo garaadkooda u diiday in dood cilmiyeedyada lagu xalin karo dhibaatooyinka jira, maaddaama ay daruus ka qaadanayaan siyaasada soomaalida oo ah mid ku dhisan qori caaradiis.
Dhallinta ayaanan sidoo kale dib u heybin taariikhda dalka, oo ay ku xusan tahay halgankii diiwaanka lagu qoray ee 13-kii dhalinyaro ee SYL u galeen xornimada dalka.
Dib u soo Kabashada dowladnimada Soomaaliya ee hana qaaday 10-kii sano ee ugu danbeysay, oo wax badan ka baddeshay xaaladda amniga, ayey qubarada qaar u sababeynaan in ay tahay ahmiyada qura ee fududeysay isku soo baxyada ay sameynayaan dhallinyarada.
Walaaca kale ee jira ayaa ah in la kala xakameeyey dhallinyarada,taas oo koobtay is dhex galkii soo celin lahaa midnimada, waxaana adag in wiilka ka soo jeeda Waqooyi iyo mid koonfur ay si isku mid ah Hargeysa ugu dabaal-degaan xuska 26-ka June, iyagoo ku labisan dharka calanka Soomaaliya.
si kastooy ahaato Dhallinayrada Soomaaliyeed oo ah numberka ugu badan ee Soomaalida, maaddaama boqolkiiba 75- ay ka yihiin dadka soomaaliyeed, ayaa qaabilaya daruufo kala duwan.
Dhibaatooyinka ay wajahayaan waxaa ka mid ah, shaqo la’aanta, taas oo ku kaliftay badankooda in ay naftooda biimeeyaan oo ay galaan safaro halis ah.
Qaar badan oo tahriibay ayaa gacanta u galay rag magafayaal ah, kuwo ayaa badaha ku geeriyooday halka qeyb kalana lagu xiray dalal ka tirsan caalamka, oo ay ogolaansho la’aan galeen.
Caqabadahaasi waxey dhallintu u qaabilayeen, in ay helaan nolol dhaanta tan dalkooda hooyo, balse qeybtood wey ku hungoobeen rajadaasi.
Dhallinta dalka ku hartay ee waqtigan xoojinaya xuska maalmaha xoriyada,ma helin xuquuqdii muwaadin ahaan ay ka mudnaayeen dalkooda, sida waxbarasho iyo caafimaad bilaash ah, si la mid ah dhallinyarada caalamka, hase ahaatee waa kuwo aamisan in helida adeegyadaasi ay hor istaagtay daruufihii amni ee dalka daashaday, kuwaas oo muddo dheer saamixi waayey in la helo nidaam dowaladnimo oo ay ku shaqeeyaan hay’adihii shacabka u qidmeyn lahaa.
inkastoo waqtigan ay Soomaaliiya kala qeybsan tahay, isla markaana muddo 30 sano ah ay bannaanka taagan yihiin gobolada waqooyi oo ku dhawaaqay gooni isu-taag, haddana dhallinta waxey muujinayaan bohalyow iyo dal jaceel, wallow aysan mar qura dhadhamin milgaha midnimada misna waa kuwo naawilaya in mar uun soomaalidu midoobaan, waase filasho ay ku dahaaran yihiin daruuro hubanti la’aaneyd.