Home Wararka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo heshay malagii musuqa

Soomaaliya oo heshay malagii musuqa

0
Soomaaliya oo heshay malagii musuqa

Soomaaliya oo ka mid ah dalalka uu musuqu daashaday ayaa waqtigan, xoogga saareysa sidii ay u dabarjari lahayd, waana qorshe kaalin weyn ugu jira ballanqaadyadii uu yaboohay, dib u doorashadiisii kadib Madaxweynaha xafiiska jooga.

Waxaa 24-kii saac ee ugu danbeysay gigada duyuuradaha Muqdisho laga qabtay, in ku dhaw 50 masuul, kuwaas oo xilal kala duwan dalka ka soo qabtay.

Dadkan oo doonayey in ay dalka ka dhoofaan, ayaa lagu eedeynayaa arrimo la xiriira masuq maasuq ay ku kaceen, intii ay dowladnimada u shaqeynayeen.

Ciidamada booliska iyo kuwo nabad sugida ee jooga garoonka Muqdisho, ayaa si gaar ah u wada howl-gallo, ay ku hubinayaan dadka garoonka ka dhoofaya, oo ay ku jiraan kuwa ka baxsanaya tuhunada musuqa la xiriira ee soo galay.

Waxaa si joogta ah ciidamadan loogu wargaliyaa xogta maalinlaha ee dadka garoonka ka baxaya, si ay u xaqiijiyaan in ay ku jiraan qaar ka tirsan kuwa eedeysan.

Billawgii musuq maasuqa, waxaa dalka ka baxsaday masuuliyin kala duwan oo u shaqeynayey hay’adaha dowladda, kadib markii ay ka war heleen akhbaaro sheegaya eedaha loo jeedinayo.

Sanadihi ugu danbeeyey dakhliga soo gala dowladda ayaa kordhayey, waxaase jirtay hufnaan la’aan ku aaddan sida loo maareyey dhaqaalahaasi, oo ku dhacay jeebka rag ku dhuumaaleysanaya masuuliyadihii ay hayeen.

Dagaalka musuqa iyo baaritaanada la xiriira ayaa cirka isku shareeray kadib markii dhawaan, xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka uu xeer ilaalinta ku wareejiyey warbixin baariseed fatash ah, oo lagu sameeyey 5 waaxood oo ka kala tirsan: Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada, Wasaaarada Maaliyadda, Hay’ada Socdaalka iyo jinisiyadaha, Bankiga dhexe iyo Xafiiska Xisaabiyaha guud.

Warbixintaas waxey muujisay in qasnada dhexe ee dowladda ay ka maqan tahay dakhli ay xafiisyadaasi qabteen intii u dhaxeysay 8- march 2018 ilaa 19 April 2023, kaas oo gaaraya 121 milyan oo dollar.

Lunsashada dhaqaalahan waxaa sida la shaaciyey ku lug leh, madax, shaqaalo dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wada shaqeyneyd la lahaa hay’adaha dowlada, kuwaas oo xogtooda oo faah faahsan lala wadaagay xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka.

Sida baaritaan aan sameynay aan ku oggaanay Dhaqaalihii ka soo xaroon jiray xafiisyadan ayaa waqtigan wax badan iska baddelay, kadib warbixintii xafiiska hanti dhowraha.

Xilligan kuwa eedde musuqa xabsiga u jiifa iyo kuwa baxsaday, waxaa ka walaac badan masuuliyiintii xilalka ka soo qabtay hay’adaha dowladda, oo shaki badan ka qaba in ay tuhuno soo galaan sababo ku qotoma baaritaanka iyo dabagalka socda oo baahaya maalinba maalinta ka danbeysa.

Warbixinti hanti dhowrka ayaa ahayd  mid lama filaan ku noqotay bulshada, maaddaama dabagal intaas la eg aanay horey ugu baran nidaamka dowladdnimada dalkooda ee soo kabanaya, kaas oo ku sifeysnaa mid howl walba gacan bidixeeya.

Cabsida laga muujinayo dagaalka ay dowladdu kula jirto musuqa waa mid soo de-dejiyey in siyaasiyiin badan ay ka tanaasulaan hankoodii ahaa, in ay ka dhex muuqdaan dowladda uu Xasan Sheekh majaraha u hayo.

Sida ay warbaahinta Shabeelle u xaqijiiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo Dadkan oo u badan qurba-joog ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib dib u doorashadii Madaxweynaha si loogu magacaabo, xilal kala duwan, balse waa kuwa waqtigan damacoodii ka rajo dhigay, maaddaama markii horeba ujeedkooda uu ahaa in ay dhaqaale ka sameeyaan xilalka loo igmanayo.

Qubarrada ka faalooda siyaasada ayaa dib ula noqshada hankooda ee siyaasyiintaasi ku macneeyey arrin fursad siinayaa dhallinyarada dalka iyo dibadda wax ku baratay, oo sida la rumeysan yahay ka nadiif ah arrimaha musuqa, isla markaana lagu aamini karo hantida dowladda.

Qubarrada sida weyn uga war haya xaaladda dalka, ayaa shaki badan galinaya awooda lagula xisaabtami karo hadii masuq maasuq lagu helo madaxdii xilalka sar sare dalka ka soo qabtay ama kuwa maanta, waana su’aal ay sidoo kale is weydiinayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale dalka oo aan ka gudbin nidaamka qabaliga, ayey arrinta musuqa u horseedi kartaa colaad hor leh, maaddama beelaha hubeysan qaarkood ay ka biyo diidayaan marka masuulka matala lagu soo ooggo tuhuno musuq, xilli aanay daah saarneyn in siyasyinta beelaha ku matala dowladda, ay yihiin kuwo qura ee kicin kara beelahooda.

Sida ku cad qiimeynta sanadlaha ah ee sameyso hay’ada transparency International, Soomaaliya waxey sanad walba kaalinta koowaad uga jirtay dalalka ugu musuq maasuqa badan caalamka, taas oo lumisay kalsoonidii dal ahaan laga qabay inuu ka soo kabto daruufihii ay baday dowlad la’aanta.

Waqtigan dadaalada ay dowladdu wado, waa kuw dhabaha u xaaraya, in beesha caalamka ay il gaar ah u yeelato arrimaha Soomaaliya, wuxuu sidoo kale fududeyn karaa in laga gudbo caqabadaha dhanka deyn cafinta ka taagan.

Dadaaladan ayaa geesta kale haddii ay aflaxaan, muwaadiniinta ku biirinaya kalsooni durugsan, iyo aaminaad dheeri ah oo ay ku qabaan dowladnimadooda, maaddama sanado badan ay ku hor gudbaneyd caqabada musuq, taas oo saameysay hay’adaha garsoorka, diidayna in ay muwaadiniinta sida dastuurka ku xusan ay helaan caddaalad sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here