Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ahaa oo Ururka Al Shabaab ay baarigi hore ee saaka ku qaadeen Degaan lagu magacaabo Daaru-Nimca oo ku yaalla duleedka Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh.Dhexe.
Weerarkan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa sida la sheegay burbur xooggan u geystay guryo iyo masjid, iyadoona Al Shabaab ay u suuro-gashay in ay gudaha u galaan degaanka Daaru-Nicma kadb markii halkaasi ay isaga baxeen dadka degaanka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Macawisley.
Mid ka mid ah dagaal yahanada Macawisley oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in degaanka ay soo banaayeena markii ay heleen xogta weerarka Al Shabaab.
Wuxuu sheegay in degaanka ay isaga soo carareen kadib markii ay waayeen gurmad, isagoona xusay diyaaradaha dul heehaabayay degaanka aysan waxba ka qaban dhaq dhaqaaqa iyo weerarka Al Shabaab.