Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna Madaxa howlgalka ATMIS, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lix saldhig oo ay ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka.
Isagoo warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho, ayaa danjire wuxuu sheegay in 2,000 oo askari ay isaga baxeen Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in Ciidanka ATMIS ay soo gebo-gebeeyaan socdaalkooda Soomaaliya sanadka soo socda.