Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay helay hub culus iyo diyaarado ay u adeegsan doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Xuseen Macallin Maxamuud oo ah Lataliyaha amniga ee madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in dalka uu soo gaaray hubkaasi iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee hubka ku xiran yahay.
Sida uu sheegay dowladda Soomaaliya ayaa qayb ka mid ah qalabkan soo iibsatay, halka kuwa kalena loogu deeqay, kadib markii laga khafiifiyay cunaqabateynta hubka ee saaran.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hubka uu ku jiro hoobiyeyaal iyo lidka diyaaradaha, loona adeegsado dagaallada Soomaaliya ee ZU.