Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay xalay gudaha u galeen deegaanka Buq Aqable oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka Guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska Danab Gaanshaanle Xasan Maxamed Cismaan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaciyey inay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi oo ah mid muhiim ah.
Gaashaanle Xasan Maxamed ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay howlgalkaas ku dileen illaa 11 xubnood oo ka tirsabaa Xarakada Al-Shabaab.
Howlgallada ka socdo Hiiraan oo deegaano badan looga qabsaday Al-Shabaab ayaa waxaa ka qayb qaadanayo ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.