Waxaa maanta Magaalada Muqdisho tabbabar loogu furay dhallinyaro ka mid noqonaya Ciidanka Illaada waddooyinka caasimadda. Daah-furta tabbabaran ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.