Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kaashanaya maamulka degmada Kaaraan ayaa xalay shir deg deg ah ku yeshay gudaha saldhigga Booliska ee degmadaaasi.
Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray falal la xariira anooyin Qabiil kuwaas oo ka dhacay degmada Kaaraan, ayada oo shirka lagu soo hadal qaaday sidii jawaab looga bixin lahaa falalkaasi
Afhayeenka ciidanka Boliska Soomaaliyeed, Sadiiq Doodishe oo goobta ka hadaly kulanka, kadib ayaa faahfaahin ka bixiyey waxa looga hadlay shirka iyo qodobadda ka soo baxay.