Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qabtay eedeysane lagu magacaabo Jeylaani Aadan Abaadir, kaas oo loo haysto dilka Allaha u naxariistee Hibo Qaasim oo ka mid aheyd ardaydii ku baastay imtixaanka dugsiyada sare ee dowladda.
Taliyaha qeybta galbeed ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir, Yaasiin Ganey oo ka warbixiyey howlgalka ayaa sheegay in eedeysanaha uu qirtay dilka marxuumadda, isla-markaana uu u dilay taleefan dartiis, si uu uga dhaco, wuxuuna tilmaamay inay gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada lah, sida CID-da, si markaas loga qaado tallaabo adag.
Dhankeeda Hooyo Faa’iiso Maxamed oo dhashay marxuumad Hibo Qaasim ayaa u mahad-celisay ciidamada Booliska ee sameeyey howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha.