Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ee Soomaaliya inay ka saareen ururka Al-Shabaab, qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo ah guulihii ugu dambeeyey ee laga gaadho hawlgallada ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanku.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in gobolka Hiiraan oo keliya in Al-Shabaab laga saaray illaa 40 deegaan, taas oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka iyo ciidamada kamaandooska, ee ay tababartay dawladda Maraykanku.
Si kastaba ha ahaatee, dagaalka dhabta ah waxaa qaaday maleeshiyaadka loo yaqaano macawisleyda oo u abaabulan hab qabiil, hase ahaatee taageero ka helaya dawladda Soomaaliya.
Wararka ka imanaya dhinaca Koonfur Galbeed ayaa isna sheegaya, in maaleeshiyo deegaanka ah oo xiriir la leh maamulka Koonfur Galbeed inay Isniintii la wareegeen gacan ku haynta illaa afar deegaan oo hoos taga degmada Baydhabo ee gobolka Bay. Maleeshiyadan ayaa taageero ka heshay ciidamada milateriga ee Soomaaliya.