Ugu yaraan laba ruux oo shacab ahaa ayaa ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay ka fuliyeen Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.
Duqeyntan ayaa sidoo kale la soo wariyay in uu ka dhashay khasaaro hantiyadeed kadib markii ay burbur u geysteen guryo dhowr ah.