Wasiirka arrimaha ammaanka ee Dalka Kenya, ayaa sheegay in Xukuumadda Nairobi ay wado qorshe looga horteggayo weerarada qorsheysan ee Ururka Al Shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in qorshahooda uu wax badan ka qaban doono weerarada Al Shabaab ay ka geysteen qeybo ka mid ah Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.
Saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ugu yaraan 12 sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Kenya ayaa lagu dilay weeraro gaadmo ahaa iyo qaraxyo oo ay mas’uuliyadoodu sheegteen Ururka Al Shabaab.