Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay madaafiic waabarigii hore ee saaka lagu garaacay Degmooyinka Warta Nabadda iyo Waabari ee Gobolka Banaadir.
Ilaa 4 hoobiye ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaceen xaafado ka tirsan Degmada Warta Nabadda halka mid kale uu ku dhacay guri ku yaalla Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in hoobiye ku dhacay Degmada Waabari uu ku dhintay macalin dugsi oo magaciisa lagu soo koobay Aweys iyo gabar uu dhalay, halka uu dhaawac soo gaaray xaaskiisa iyo laba kale oo carruur ah.
Illa hadda lama garanayo halka laga soo tuuray hoobiyeyaashan oo dhawaqooda laga maqlay Degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.