Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaamaanta ku wajahan magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Shabelle u sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay saacadaha soo socda ka duuli doonaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira hagaajinta xiriirka labada dal, isaga oo sidoo kale wadahadallo la yeelan doono dhiggiisa dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmi doono jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u jooga caasimadda Kampala ee dalka Uganda.
Booqashada madaxweynaha oo noqoneysi tiisii 8-aad, tan iyo markii dib loo doortay ayaa ku soo aadeyso, ayada oo haatan la ansixiyey golaha wasiirada Soomaaliya.