Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen [Guudlaawe] ayaa ka hadlay arrimaha murugsan ee ka taagan Gobolka Hiiraan, maalmo kadib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay Cali Jeyte.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in Maamulkiisa uusan aheyn xisbi kaasi oo qofkii doona uu ku soo biiro ama uu isaga baxo, waxaana hadalkiisa uu u muuqdaa mid uu ugu jawaabayo Xildhibaanoiyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo sheegay in ay ka go’een Maamulka Hirshabelle.