Warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu faah-faahiyay howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen Muqdisho, kaas oo lagu fashiliyay weerar toos ah oo ay Al-Shabaab doonayeen inay ku qaadaan mid kamid ah goobaha loo dalxiis tago, gaar ahan gudaha Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.