Home Wararka Arimaha Gudaha Taliska ATMIS oo 6 saldhig ku wareejiyay CXD

Taliska ATMIS oo 6 saldhig ku wareejiyay CXD

0
Taliska ATMIS oo 6 saldhig ku wareejiyay CXD

Howlgal Midowga Africa ee Soomaaliya ATMIS ayaa shaaciyay inuu soo dhamaadey wajiga 1aad ee dhimista ciidamada, oo qeyb ka ah ka bixitaankooda dalka oo aakariga ugu dambeeyaa la qaadi doono December 2024.

ATMIS ayaa sheegtay in ay ka baxeen 6 saldhig oo kala ay Xaaji Cali, Miirtaqwo, Arbacow, Adale, Geriley Aljazeera 1 iyo Marka Ayuub oo gebi ahaantiisa la xiray.

Saldhigyada waxay ku yaallaan Shabeellaha Dhexe, Shabeella Hoose iyo Gobolka Gedo, oo ay ka howlgalaan Ciidanka Kenya, Burundi iyo kuwa Itoobiya.

Xeryaha waxay ATMIS ku wareejisay ciidamada dowladda Soomaaliya, oo hadda isku diyaarinaya inay isku tashadaan, islamarkaana la wareegaan mas’uuliyada amniga dalka sanadka soo socda 2024.

Dhanka kale, Golaha ammaanka ayaa 6 bilood ku kordhiyay waqtiga dhimista Ciidanka ATMIS, iyadoo muddadaas lixda bilood ah lagu taageerayo diyaarinta qorshaha dawladda Soomaaliya ee wejiga labaad oo 3,000 oo Askari la qaadi doono December 2023.

Goluhu wuxuu ka codsaday dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika inay sameeyaan qiimeyn farsamo oo wadajir ah 31ka Agoosto si loo qiimeeyo wejiga koowaad ee dhimista iyo u diyaargarowga wejiga labaad ee dhimista Ciidanka iyo in dowladda Soomaaliya ay warbixin ka siiso gollaha amaanka horumar ay laga sameeyay dhaqangelinta qaab dhismeedka amniga marka la gaaro 30ka November.

Howlgalka ATMIS waxuu ka kooban yahay 5 dal, oo kala ah Uganda, Burundi, Jabuuti, iyo Itoobiya, kuwaasoo u kala qeybsan, Banaadir, SH/Dhexe, Sh/hoose, Gedo, iyo Hiran. UGANDA ayaa leh ciidamada ugu badan ee ATMIS, waa dalkiisa ugu horeeyay oo askartiisa ay soo caga dhigtaan Muqdisho January 2007.

Bishii April sanadkii tagey ayaa ATMIS la sameeyay, kadib markii uu dhamaadey waqtigii Amison, oo la sheegay fashil ku yimid howlgalka oo ku guuleysan waayay.

Waxaa jira hadda walaac dadka qaar qabaan, kaasoo ah in ciidamada dowladda Soomaaliya ay awoodaan inay difaacaan saldhigyada lagu wareejiyay, oo khatar ugu jira AlShabaab inaysan dib ula wareegto.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa bilowgii sanadkan sheegay in uu wiiqi doono awooda Al-Shabaab inta aysan dhamaan sanadkan, oo ugu magac saray, sanadkii dib xoreynta, dib dhiska, dhameystirka deyn-cafinta iyo arrimo kale oo mudanaan u leh qaranka.

Markii ugu horeysay ayay dowladda iyadoo aanay taageero ka helaynin ciidamada Midowga Africa qaaday sanadkii tagey duulaan ballaaran kaasoo Xukuumadda sheegtay in lagula wareegay 80 degaan, oo ku yaalla Galmudug iyo Hirshabelle.

AlShabaab ayaa kordhisay weerarada, iyadii bishii hore kaliya gashay labo saldhig oo Buulo-Mareer iyo Masagawaay ku yaalla, halkaasoo askar badan oo Soomaali iyo Ugandhees ay ku dhimatay.

Ugu yaraan 3,500 oo Askari oo Midowga Africa ka socda ayaa lagu dilay weerarada Al-Shabaab tan iyo 2007, iyadoo dhawaaca intaas ka badan yahay.

Si kastaba, waxaa looga fadhiyaa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh inay Al-Shabaab ka saarto guud ahaan dalka, inay soo celiso amniga iyo xasiloonida, islamarkaana ay qabato doorasho qof iyo cod ah 2026.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here