Waxaan xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo maleeshiyo beeleed laga soo warrinayaa duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Dadka degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in cabsi laga dareemayo duleedka Magaalada, iyadoo labada maleeshiyo ee is-horfadhiya ay isku dhici karaa marweliba.
Weli majiro wax waan waan ah oo laga dhex billaabay dhinacyada isku haya duleedka Magaalada Dhuusamareeb.