Home Wararka Arimaha Gudaha Abwaan Hadraawi oo goordhow ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Abwaan Hadraawi oo goordhow ku geeriyooday magaalada Hargeysa

0
Abwaan Hadraawi oo goordhow ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Soomaaliland, waxaa maanta ku geeriyooday, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo si weyn looga yaqaanay Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Abwaanka ayaa u geeriyooday xanuun muddo dheer hayey, waxaana geeridiisa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa.

Marxuum Hadraawi ayaa caan ku ahaa Sanka iyo Suugaanta, wuxuuna sameeyey Ruwaayado iyo heeso isugu jiro Jaceyl iyo Waddani inataba.

Geeridiisa oo ay si weyn u hadal heyso warbaahinta ayaa waxaa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka kala tirsan Somaliland iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya.

AUN Hadraawi wuxuu ku dhashay magaallo madaxda gobolka Togdheer ee Burco sannadki 1943kii, wuxuuna ka mid ahaa hal abuurrada ugu muuqa dheer gayiga Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here