Home Muuqaalo Madaxda SODMA iyo Isimada SSC oo ka shiray xaaladda Laascaanood

Madaxda SODMA iyo Isimada SSC oo ka shiray xaaladda Laascaanood

0
Madaxda SODMA iyo Isimada SSC oo ka shiray xaaladda Laascaanood

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku sodhaweeyey Qaar ka mid ah Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag oo maalmahaan Muqdisho ku sugnaa kuwaas oo la kulmay maalmo ka hor madaxweynaha JFS iyo raisulwasaraaha dalka.

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan,waxaana looga hadlay Xaalada Laascaanood,ugurmashada shacabka dhibtaada ka soo gartay colaadaas,iyo ka shaqeynta Nabadda iyo wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Dhankooda, Isimada Dhaqanka ayaa Hay’adda Maareynta uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxaana ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka ee ka dhasahy dagaalka.

Mid kamid ah odayaasha dhqanka Gobolka sool ayaa ka mahadceliyey kulankaan soodhaweynta ah ee loo sameeyey.

Hay’adda maareynta ayaa hore waxaa xusid mudan in gargaar nuuc walba ah ay la gaartay shacabka laascanaood ee dagalada ay sameeyeen iyadoo muqdisho keentay boqolaal rayid ah oo dagalaas ku dhawacmay,iyadoo halkaas gaarsiisay diyaarado iyo doonyo wada shixnado raashin,dhar iyo daawo iskugu jira oo shacabka laascanood loogu talagaly

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here