Home Wararka Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsanaa Daacish

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsanaa Daacish

0
Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsanaa Daacish

Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Daacish, kuwaas oo ay horey u xukuntay maxkamadda.

Ragga la toogtay ayaa kala ahaa Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax, ayada oo lagu eedeeyey inay dilal ka geysteen Muqdisho iyo Boosaaso.

Waxaa ka mid ah eedeymaha loo soo jeediyey waxaa ka mid ahaa in 24-kii August 2018, Aadan iyo labo ruux oo kale ay Boosaaso ku dileen labo xiddigle Axmed Hurfe Jaamac oo ahaa taliyihii Gaadiidka Madaxtooyada maamulka Puntland, halka 25-kii October 2018 ay isla Boosaaso ku dileen Cabdiraxmaan Aadan Cali oo ahaa Ganacsade iyo dilal kale.

Fagaaraha lagu toogtay labadaan nin ee ka tirsan Daacish waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan maxkamadda iyo ciidamada ammaanka oo xukunka dilka ku fuliyey raggaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here