Home Wararka Arimaha Gudaha Shirkadda SAFA oo deeq lacageed u qeybisay 150 qoys oo ku barakacay daadadkii ku dhuftay Baardheere

Shirkadda SAFA oo deeq lacageed u qeybisay 150 qoys oo ku barakacay daadadkii ku dhuftay Baardheere

0
Shirkadda SAFA oo deeq lacageed u qeybisay 150 qoys oo ku barakacay daadadkii ku dhuftay Baardheere

Shirkada Ganacsiga ee SAFA ee Fadhigeedu uu yahay Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay Deeq Lacageed gaarsiisey ilaa Boqol iyo konton Qoys oo ka mid ahaa dadkii waxyeelada ay ka soo gaartey Roobabkii daadadka watey ee dhowaan ka da,ay degmada Baardheere.

Xasan Axmed Muxumed ooah Wakiilka Shirkada Ganacsiga ee SAFA Group oo ka hadlayey goobtii lagu bixinayey Lacagta deeqda ah ayaa sheegay Shirkadooda in ay la qeyb sanayso dhibaatadii soo gartey dadkii ku barakacay Daadadka Roobabka ka da,ay Baardheere.

Xasan ayaa intaasi ku darey in shirka SAFA Group ay horey ugu soo qeyb qaadatey Abaarahii iyo Fatahadahii ka dhacay Qaar ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya iyo weliba Qaraxii ka dhacay ZOOPE.

Sidoo kale waxaa Goobta ka Hadley Sheekh Cabdulqaadir Xasan Xaashi oo ah Maamulaha Alraxma Foundation ee degmada Baardheere,waxuuna uu sheegay inuu ku faraxsan yahay deeqda lacageedee maanta la gaarsiiyey dadkii ku barakacay Daadadka ,taasoo ka timid Shirkada SAFA Group.

Goobta lagu qeybinayey lacagta Kaalmada ah ayaa waxaa ka Hadley mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baardheere,Ururka Haweenka iyo Ganacsatada deegaanka.

Xubnahasi ayaa dhamaantood bogadiyey deeqda ee SAFA Group ay soo gaarsiiyeen degmada Baardheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here