![Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda deegaanka Masaajid Cali Gaduud Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda deegaanka Masaajid Cali Gaduud](https://shabelletv.com/wp-content/uploads/2022/10/Howlgal-1536x1024-1-768x512.jpeg)
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo ka wada deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ka tirsangobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in xalay, illaa saaka ay diyaaradaha dagaalka Turkiga duqeymo ka geysteen deegaankaas oo ay muddo maamulayeen xoogaga Al-Shabaab.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duulaanka ay ciidamada huwanta ku qaadeen Masaajid Cali Gaduud, balse xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan.