Home Wararka Arimaha Dibadda Wasiirka Caddaalada iyo Dastuurka XFS oo la kulmay wakiilka UNDP

Wasiirka Caddaalada iyo Dastuurka XFS oo la kulmay wakiilka UNDP

0
Wasiirka Caddaalada iyo Dastuurka XFS oo la kulmay wakiilka UNDP

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka Mudane, Xasan Macalin Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Mudane, Ahmed Cabdiraxmaan Xasan, Agaasimaha Guud iyo agaasime waaxeedyada Qorshaynta iyo Wacyigalinta  iyo lataliyaasha Wasaaradda ayaa kulan la yeeshay uqaabilsanaha  Hay’adda UNDP Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason.

Kulanka ayaa looga hadlay sida Hay’adda UNDP u taageeri lahayd howlaha hor-tabinta u leh wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka oo ay ugu horreeyan dhammaystirka Dastuurka iyo Sarraynta sharciga.

Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ee horyaalla Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka.

Dhanka kale, u qaabilsanaha Hay’adda UNDP Soomaliya Joceleyn Mason ayaa ballanqaaday in ay ka taageri doonaan Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka arrimaha mudnaanta u leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here